Wasiir Gama’diid: Tacsi ka socoto Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka New Zealand

Wasiir Ismaaciil Gama’diid tariikh dheer oo la soo koobi karin ayuu ku lahaa wadanka New Zealand oo ka mid ah in uu ahaa madaxweynaha Masaajidka Gobolka Waikato, gaar ahaan magaalda Hamilton ee New Zealand mudo dhowr iyo toban sano.

Gama’diid wuxuu ka ahaa xubin muhiima hay’adda Islaamiga Federaalka ee New Zealand oo magaceedu yahay FIANZ. Gama’diid sanadkan bilowgiisa wuxu qeyb ka qaatay deeq la gaarsiiyey walaalaheyn reer Beledweyne oo ka socotay New Zealand. Sidaas ay tahey intii geerida ku imaan wuxuu ku jiray abaabulka gurmadka Qardho ee Jaaliyadaha Soomaliyeed ee New Zealand. 

Halkaan waxaa tacsi ka diraya mas’uuliyiin ku hadlaya dhamaan magaca Jaaliyadaha Soomaliyeed ee Dalka New Zealand.

Maxamed Cabdi Jaamac (Afey) Madaxweynaha Maamulka Masaajidka Christchurch New Zealand iyo Cabdiqani Maxamed Cali (Keenadiid) Agaasimaha Somali Aid and Development Agency of New Zealand waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan caruurtii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, sidoo kale waxay u tacsiyeynayaan dhammaan Soomaalida iyo muslimiinta ku nool Dalka New Zealand iyo shacabka Puntland geerida ku timid Wasiir Ismaaciil Gama’diid.