Wasiir Gama’diid oo geeriyooday xilli uu ka bogsaday xanuunka COVID-19

Alle ha u naxariistee, waa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Dr. Ismaaciil Diiriye Gama’diid.

Marxuumka oo markii hore kamid ahaa dadkii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa la xaqiijiyay in uu ka bogsaday, balse xanuunkaasi dhaawac kaga reebay Habdhiska Neef-mareenka, gaar ahaanna Sambabada, taasi oo keentay in neefsigu ku adkaado.

Wasiirka oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa maalmo ka hor loo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

AUN Dr. Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaa  wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland loo magacaabay 10 February 2019, waxaana uu xilkaasi hayay mudda sannad iyo lix bilood ah.

PUNTLAND POST