Puntland: Wasiiradii dhawaan la magacaabay oo la dhaariyey

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday munaasabad lagu dhaariyey Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno dhawaan la magacaabay oo galabta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey.

Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe, waxaana Wasiirada cusub dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta ayaa Wasiirada cusub kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo mas’uuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isagoo alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo mas’uuliyiintan cusub ee dowladda ku soo biiray.

Xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee la dhaariyey ayaa kala ahaa.

1- Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.
2- Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
3- Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
4- Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
5- Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta.
6- Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
7- Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Wasiiradan ayaa la magacaabay 22-kii bishan Maarjo, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaana sharci darro ku tilmaamay magacaabistooda oo sheegay in aan lagala tashan.


PUNTLAND POST