Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dadka Soomaaliyeed munaasabada Ciidul Fidriga

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed, wuxuuna Alle uga baryey inuu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadka Soomaaliyeee, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed.

“Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.” ayaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay ciidamada galabka sida ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey in ay dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan.

“Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliua ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadka tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

PUNTLAND POST