Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo xilalkii laga qaaday iyo kuwo cusub oo la magacaabay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaar kamid ah Golaha wasiirada xilalkii ka qaaday, sidoo kale magacaabay kuwo cusub.

Wasiirada xilalkoodii waayay waxaa kamid ah, Wasiirkii Warfaafinta Cali Xasan Sabarey, Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Cawaash iyo Wasiir ku xigeenkii Maaliyadda Yaasiin Ibraahim Ciise, waxaana lagu baddelay siyaasiyiin hore xilal wasiiro uga soo qabtay Puntland.

Hoos ka akhriso wasiirada iyo wasiir ku xigeenada la magacaabay

1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska

2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda

3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda

7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

8. Waxaa Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

PUNTLAND POST