Madaxweyne Deni oo Garoowe kaga qayb-galay Kulan looga hadlayay Doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay kulanka 4-aad ee doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka.

Kulanka oo ay kasoo wadashaqeeyeen Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Hay’adda PDRC, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale, waxa ka qayb-galay  Senator Cabdirisaaq Juurile, Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro.

Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah yaana sii socon doona illaa ugu danbeyn ay kasoo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta.

PUNTLAND POST