Dowladda Soomaaliya oo soo daad-guraysay muwaadiniin ku xanibnaa dalka dibaddiisa

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dalka dibaddiisa ka soo daadgureyso muwaadiniin badan oo muddo bil ah u xayirnaa howlo la xiriira la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus,iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay ugu baaqday dadka soo guryo-noqonaya in ay u hoggaansamaan tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka B\bulshada.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Srrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay shalay oo Khamiis aheyd in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaareen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee caasimadda muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

PUNTLAND POST