Dagaal ka dhacay degmada Buurdhoobo ee gobolka Gedo

Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa dagaal ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyaad ka tirsan Alshabaab ku dhexmaray degmada Buurdhoobo ee gobolka Gedo

Dagaalkaas ayaa yimid kadib matkii Alshabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Buudhuubo ee gobolka Gedo sida laga soo xigtay saraakiil ciidan.

.Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ka dhexsocotay saacado inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Taliyaha Amniga degmada Buurdhuubo ee gobolkaa Gedo oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen dagaalamayaasha Shabaab isla markaana ay sii ogaayeen weerarka ku soo wajahan.

Dhinacooda ayuu tilmaamay in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray,Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro noocaan oo kala ah ku qaaday saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST