Puntland oo joojisay in jimaaco lagu tukado Salaadda Ciidda

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo warbaahinta Garoowe kula hadlay, ayaa shaaciyay in gebi ahaanba degaannada Puntland laga joojiyay isu-soo bixii iyo salaaddii Ciidda Soonfur, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.

Wasiir Cawil Sheikh Xaamud, ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in dadweynaha Puntland aysan salaadda Ciidda masaajidda iyo fagaarayaasha u soo bixin, balse qof kasta uu gurigiisa ku tukado, maadaama jimaacaadka salaadda Ciidda loo joojiyay, sababa la xiriira faafidda xanuunka Coronavirus.

Wasiir Xaamud, ayaa sidoo kale tilmaamay in dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla gudaha Puntland, oo horay loo fasaxay ka hortagga COVID-19 la go’aamiyay in dib loo furo bacdal Ciid, kadib markii macallimiinti dugsiyada Qur’aanka ay soo wajahcday duruuf dhaqaale oo adag.

Balse, furidda dugsiyada Qur’aanka ayuu shardi uga dhigay in ay raacaan talooyinka bahda caafimaadka ee ku aaddan ka hortagga cudurka Coronavirus, islamarkaana aan la ogolayn in 30 arday ka badan hal meel la isu’gu keeno.

Wasiirka ayaa ku tusaaleey, in haddii dugsiga Qur’aanka ay wax ka bartaan 60 arday ay macallinka waajib ku tahay in uu 30-kii arday-ba gelin waxbaro, si loo ilaaliyo talooyinka bahda Caafimaadka ee ku wajahan xanuunka.

PUNTLAND POST