Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye iyo Taliye ku xigeen u magacaabay ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeena looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali.

Bishan Maajo 5-teedii ayay ahayd markii uu iscasilay Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, halka xilka laga qaaday Taliye ku xigeenkii Axmed Cilmi Cismaan.

Hoos ka akhriso wareegtada magacaabida

Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLAND POST