Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 8 bukaan oo cusub laga helay xanuunka COVID-19 kadib markii shalay la baara 22 qof oo looga shakiyay cudurkaas.
Bukaannada xanuunka laga helay shan kamid ah waa Lab halka saddexda kale ay dumar yihiin waxaana tirada guud ee COVID-19 laga helay gaartay 38 ruux sida ay xaqiijisay wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Sidoo kale hal bukaan ayaa markii u horraysay ka bogsaday xanuunka kadib markii baaritaan lagu sameeyay laga waayay cudurka oo horay looga helay waxaase jiray qof u dhintay 21-kii bishii tagtay ee April.
PUNTLAND POST