
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, oo kamid ah Isimadda waawen ee Puntland, ayaa marka hore Tacsi u diray Shacabka Puntland gaar ahaan dadweynaha Qardho ee waxyeelladu ka soo gaartay daadadkii xalay ku fatahay Qardho.
Beeldaajaha ayaa Tacsi gaar ah u diray qoysaska ay lasoo gudboonaatay Geerida Iyo Shacabka ku waayay Hantidoodi Fatahaadii Xalay ka dhacday Magaalada Qardho.
Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Yaasiin, ayaa baaq deg deg ah u diraya Shacabka Puntland, Isagoo ka Codsaday in Gurmad lala soo gaaro Bulshada ku dhaqan Magaalada Qardho.
Sidoo kale Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, ayaa u mahad-ceshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahu Deni oo maanta gaaray Magaalada Qardho si Kor loogu qaado Taageerada Gurmadka loona Maareeyo Gurmadka Qardho ku Wajahan.
PUNTLAND POST