Dowladda Soomaaliya oo si adag u beenisay warbixinno lagu daabacay wargeysyo ka soo baxa Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay si adag ugu beenisay, warbixino lagu daabacay laba wargeys oo ka soo baxa waddanka Kenya, kuwaas oo hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ku eedeeyay in ay Al-shabaab kala shaqeyso weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya.

Wargeysyada The Star iyo Standard Media, oo Jimcihii shalay daabacay warbixino isu’eg, ayaa sheegay in ay heleen macluumaad sir ah oo muujinaya in hay’adda NISA ay xiriir hoose la leedahay Al-shabaab, isla markaana ay ku taageertay dhaqaale dhan $1.5 milyan oo dollar, si ay weerarro uga gaystaan gudaha dalka kenya.

Balse, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in warbixinahaas ay yihiin kuwa been-abuur iyo marin-habaabinta ah, oo la doonayo in lagu sumcad-dil hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA.

Dowladda Federaalka waxay si xooggan u naqdineysaa weerarada aadka u xun iyo olalaha gefka ah ee lagu beegsanayo dowladda iyo hey’adaheeda, NISA waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna dambi u aragtaa warka ceebeynta ah ee wareegaya baraha bulshada, iyada oo la isku dayayo in la sumcad dilo hey’adda”ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay wasaaradda.

PUNTLAND POST