Taliyihii Saldhigga bartamaha Gaalkacyo oo is casilay

Dhamme, Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun)

Taliyihii Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo gobalka Mudug ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ayaa waraaq uu soo saaray ku sheegay in uu is casilay.

Taliye Xabuun oo warqada uu isku casilay ay ku taariikhaysneyd 30-kii bshii la soo dhaafay ee Maarso, wuxuu ku sababeeyey is casilaadiisa, markii laga jawaabi waayey baahiyaha aasaasiga ah ee Saldhiga dhexe ee  degmada Gaalkacyo.

Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Taliyaha Saldhigga bartamaha ee degmada Gaalkacyo loo magacaabay 2-dii bishii Agoosto ee saandkii la soo dhaafay 2019, wuxuuna xilkaas hayey muddo Siddeed bilood ah.

16-kii bishii Oktoober ee sanadkii hore ayaa Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Is casilaada Taliyaha Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Madaxweyne Deni uu xilkii ka qaaday taliyihii qeybta gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad), kuna dedelay taliyihii qeybta Booliska Nugaal Col. Muumin Cabdi Shirre.

Magaalada Gaalakcyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal lid ku ah amniga.

Hoos ka eeg warqada uu isku casilay taliyihii Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST