Taliyaha Saldhiga bartamaha Gaalkacyo oo faahfaahin ka bixiyay qarax saaka lala eegtay

Gaariga taliyaha ee la qarxiyay

Taliyaha saldhiga bartamaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) oo khadka taleefonka kula hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax loogu xiray gaarigiisa oo uu ka badbaaday.

Taliyaha ayaa sheegay in saaka isagoo u socda shaqadiisa uu arkay gaarigiisa deyrka guriga u yaallay oo qarax loogu xiray kadibna uu xaaskii iyo carruurtii ka daad-gureeyay guriga si aysan dhibaato uga soo gaarin haddii gaarigu qarxo.

Balse sida uu sheegay gaariga ayaa qarxay waxyar kadib markii dhammaan dadkii guriga laga saaray inkastoo aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan qaraxaasi haddana wuxuu tilmaamay in gaariga qarxay iyo qeybo kamid ah guriga burbur gaaray.

Taliye Xabuun ayaa sheegay in xalay intii la hurday loo soo dhacay gurigiisa kadibna qarax nooca taleefonku cariyaa loogu xiray gaarigiisa oo deyrka yaallay si loo qarxo marka uu subaxii ka xaysto.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST