
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax lagula eegtay mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Mas’uulkaas oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha wasaaaradda Maaliyadda ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen goob-joogayaal.
Mas’uulka qaraxa ku dhaawacmay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi-Gube waxaana dhaawaciisa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay lug ku go’day mas’uulkaas inkastoo dhaqaatiirta gacanta ku haysa aysan weli faahfaahin ka bixin xaaladdiisa caafimaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.