Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa si adag uga soo horjeesatay in Garoonka Muqdisho Studium laga dhigo Goob lagu karantiilo dadka looga Shakiyo Cudurka Coronavirus.
Wasiir Khadiija Waxa ay sheegtay in Garoonka Muqdisho Studium uu ku socdo dayactir, islamarkaana uu marayo meel gabagab, si loo dhameystirana aysan macquul aheyn in dowladdu ay keento dad looga Shakisan yahay Corona Virus.
Sidoo kale, waxay sheegtay in Garoonka ay ka howlgallaan Ciidamo ka badan 100 Askari iyo Shaqaalle isugu jira Soomaaliya iyo Ajnabi oo ku howlan dhismaha Garoonka iyo xaqiijinta Ammaankiisa.
Mrs. Khadiija ayaa carrabka ku adkaysay in marnaba aysan aqbali doonin tallaabadda Xukuumaddu ku doonayso in goobtaasi noqoto bar karantiil.
Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa yimid ka dib markii Agaasimaha Wakaaladda dhismaha Qaranka iyo Mas’uuliyiin ka socday Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir ay shalay Shaaciyeen in goobtaasi ay noqon doonta goobaha karantiilka.
PUNTLAND POST