War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay kufsi saddex carruur ah loogu geystay degaanno ka tirsan dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Galmudug.
Wasaaradda ayaa ku baaqday qof walba in uu ixtiraamo dhowr-sanaanta iyo sharafta dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, kana fogaado dambi la xiriira sheegitaanka magacyadooda iyo in sawirradooda lagu faafiyo meel kasta oo ay ku jiraan warbaahinta bulshada.
Wasaaraddu waxay sheegtay arrintaas wax u dhimmi karto dambi-baarista socoto iyo in mustaqbalka dacwad ciqaabeed la soo oogo, ayadoo sidoo kale sababi karta in ay ka horjoogsadaan dhibbanayaasha in ay si caadi ah oo ceeb kamadaxbannaan u noolaadaan.
Hoos ka akhriso qoraalka

PUNTLAND POST