Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu qabo xanuunka Coronavirus, sida uu sheegay Xafiiska UNSOM ee Muqdisho.
Qofkan oo ajnabi ah, ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Sida ay sheegtay UNSOM, waxaana qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaasoo uu dalka soo galay, isagoo la geeyay goob karantiil oo gudaha oo ku taal gudaha garoonka Muqdisho.
Xalay waxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in labo ruux oo mid ajnabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 , taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7 kiis.
Warbixin kooban oo xalay la soo dhigay bogga Wasaaraadda caafimaadka, ayaa lagu sheegay in guud ahaan tirada dadka cudurkan qaba ay gaarayaan 7 ruux, balse Wasaaradda ayaan cadeyn halka ay ku sugan yihiin labadan ruux ee laga helay cudurka.
PUNTLAND POST