Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday taliye ku xigeenkii qeybta Booliiska gobolka Bari, G/dhexe Cabdirashiid Barre Maxamed Aaamusane.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa taliye ku xigeenka cusub ee Booliiska gobolka Bari loogu magacaabay G/dhexe Cabdifitaax Maxamed Maxamuud Qaal, oo laga soo wareejiyay ciidanka Daraawiishta Puntland.

Sida dikreetada ku xusan, waxaa go’aankaas loo qaatay dardar gelinta Amniga gobolka Bari, xilli maalmahan falal amni-darro ka dhacayeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Halkaan ka akhriso dikreetada xilka qaadista

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amniga Gobolka Bari.

Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Dhexe Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, isla markaana waxaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

PUNTLAND POST