Dowladda Puntland oo heegan buuxa gelisay dhammaan ciidamadeeda Qalabka sida

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay, in heegan buuxa la geliyay dhammaan ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland, si ay uga hawlgalaan qorshaha sugidda Amniga iyo dadaallada looga hortagayo cudurka Coronavirus.

Go’aankaas, ayaa looga dhawaaqay shir deg deg ah oo xalay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisu ay si wadajir ah ula qaateen, guddiga Amniga iyo guddiga ka hortagga cudurka Coronavirus.

War-saxafadeed ka soo baxay Shirka, ayaa sidoo kale lagu amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland, in ay shaqadooda isu’gu geeyaan Sugidda Amniga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus.

Go’aankaas, ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii qarax ismiidaamin ah lala beegsaday, guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir iyo taliyihii hore ee Booliiska Nugaal G/sare Faraax Galan-goolli.

Labada mas’uul oo dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa, ayaa la dhigay isbitaalka guud ee caasimadda Garoowe, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday marxuum Gu’jir.

Qaraxa waxaa mas’uuliyaddiis sheegtay malayshiyaadka Al-shabaab ee ka dagaallama koonfurta Soomaaliya, sida lagu faafiyay warbaahinta taageerta Al-shabaab

PUNTLAND POST