Degaannada Puntland oo bandow lagu soo rogay si looga hortago Coronavirus

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday, in gebi ahaanba bandow lagu soo rogay isu-socodka dadka iyo gaadiidka dhammaan magaalooyinka Puntland, laga bilaabo lixda makhribnimo ilaa iyo shanta subaxnimo ee wakhtiga Salaadda Subax, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo xalay  kulan la qaatay guddiga Amniga iyo guddiga qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus, ayaa go’aamiyay in dhammaan magaalooyinka Puntland lagu soo rogo bandow, si looga fogaado faafidda cudurkaas.

Qoraal ka soo baxay shirkaas, ayaa sidoo kale lagu amray ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF, in ay ka hawlgalaan in aysan magaalooyinka ku teedsan xeebaha ee Puntland soo gelin doonyaha kalluumaysiga shisheeye, si looga digtoonaado xanuunka COVID-19.

Sidoo kale, waxaa la xaddiday dhammaan goobaha dadweynuhu isu’gu yimaadaan sida goobaha ciyaaraha, maqaaxiyaha laga shaaheeyo iyo goobaha cibaadada, maadaama goobahaas oo kale cudurku si dhakhso ah ugu faafo.

Dadweynaha ayaa dhankooda loogu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda iyo talooyinka caafimaad ee ay bixinayaan hay’adaha qaabilsan caafimaadka, islamarkaana guryahooda ku sugnaadaan mudada bandowgaas la soo rogay.

Hoos ka akhriso awaamiirta

PUNTLAND POST