Somaliland oo joojisay duullimaadyada ka imaanaya Yurub iyo Maraykanka

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay joojisay Rakaabka ka imaanaya dhammaan dalalka Yurub iyo waddanka Maraykanka laga bilaabo maalinta berriya oo ku beegan 30-Maarso 2020 si loogu hortago cudurka Coronavirus.

Guddiga Somaliland u xil-saartay u diyaar-garowga iyo ka hortagga xanuunka COVID-19 ayaaa qoraal uu maanta oo Axad ah soo saaray ku amray dhammaan diyaaradaha yimaada Somaliland in aysan wax rakaab ah ka soo qaadi Karin dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka.

Go’aankaas ayaa looga dhawaaqay shir ku saabsan ka hortagga Xanuunka Coronavirus oo guddigu maanta ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Guddigu waxay sheegeen in ay qiimayn ku sameeyeen rakaabka ka imaanaya dalalka Yurub iyo waqootiga Maraykanka ee u soo safra Somaliland islamarkaana ay ka cabsi qabaan in dadkaas qaarkood ay xanuunka qabaan.

PUNTLAND POST