Puntland oo beenisay in Coronavirus laga helay gudaha Puntland

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in kiis la xiriira Coronavirus laga helay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Qoraal maanta ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in kiis la xiriira COVID-19 laga helay degaannada Puntland.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in aysan jirin wax kiisas cudurkaas ah oo laga helay meel kamid ah Puntland waxaana ay ku hanjabtay in sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo kiisas been-abuur ah ka faafisa Puntland.

Dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa looga digayaa inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono” ayaa lagu yiri  qoraalka.

Wasaarada caafimaadka Puntland waxay ay dadweynaha Puntland ugu baaqday inay xogta ku saabsan cudurka Coronavirus ay uga dambeeyaan dowladda.

PUNTLAND POST