Jubaland oo dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay fursad u abuurayso Al-shabaab

Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay iska indha tirayso xallinta khilaafka maamul ee ka taagan gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac ay fursad ka heshay Al-Shabaab oo ku sii fidaysa degaanno ka tirsan gobolka Gedo maadaaama ciidamadii Shabaab la diriri lahaa ay dhexdooda dirirayaan.

Gobolka Gedo, Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysan sugneen Al-Shabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland aysan gacanta ku hayn degmooyinka gobolkaas Gedo balse ay xoog kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta iyo kala furfurka ay ku waddo dowlad goboleedka Jubaland si aan fursad kale loo siin Al-shabaab.

PUNTLAND POST