Puntland oo sheegtay in ay hayso dad looga shakiyey Coronavirus

Puntland ayaa sheegtay in ay Cisbitaal gaar ah ku karantiishay dad looga shakiyey in ay qabaan caabuqa Coronavirus.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo maanta la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay hayaan shan (5) qof oo looga shakiyey in ay qabaan xanuunka Coronavirus, laguna arkay qaar kamid ah calaamadihiisa.

“Ma jirto cid Puntland laga xaqiijiyey oo laga helay Coronavirus, laakiin waxaa jira dad laga shakisan yahay, ama calaamadihii cudurka qeybo kamid ah lagu arkay, dadkaasi waa shan qof, afar qof oo ajnabi ah iyo hal qof oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dadkaas hadda xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, ayna ku hayaan xarunta karantiilka ee Garowe, lagana ka qaaday dhacaankii lagu ogaan lahaa in ay qabaan caabuqa Coronavirus iyo in kale, jawaabtana la heli doono maalmaha soo aadan.

“Dadkaas xaaladoodu waa fiican tahay, waxaan geynay xarunta karantiilka ee Garowe, wixii daawo ahaa ee ay u baahnaayeen waan siinay, waxaan ka qaadnay dhacaankii lagu ogaan lahaa ama lagu xaqiijin lahaa in ay qabaan iyo in aysan qabin xanuunkaas, baaritaankaasi wuxuu soo baxayaa maalmaha soo socda” ayuu mar kale yiri Wasiir Cabdinaasir

Ilaa iyo hadda saddex qof oo mid kamid ah yahay ajnabi, ayaa Soomaaliya laga helay caabuqa Covid 19, sida ay xaqiijisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST