Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay deyn cafinta Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka  ayaa si wada-jir ah u uga hadlay aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku deynta kaga cafiyey Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Baanka adduunka u diray farriin uu ku sheegayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland.

Baanka Adduunka waxaan leenahay Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa aad u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagay nalagala xaajoonayaan oo naloo soo marin maayo cid kale” ayuu yiri Muuse Biixi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo isna arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in lacagta Soomaaliya la siinayo loogu talagalay in ay ku ololeeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay.

Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa Villa Soomaaliya qabsaday, markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma ahan” ayuu yir Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye xisbigaWaddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu Baanka Adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland.

Inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay noola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Aduunkuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayana toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.” ayuu yiri Cbadiraxmaan Cirro.

PUNTLAND POST