Madaxweyne Deni oo ku baaqay in la dhaqan-geliyo awaamiirta la xiriirta Coronavirus

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Sabtida maanta qoraal kooban soo saaray, ayaa ku baaqay in la dhaqan-geliyo awaamiirta ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee la xiriirta ka hortagga cudurka Coronavirus.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale dadweynaha ku boorriyay, in ay u hoggaansamaan talooyinka ay hay’adaha caafimaadku ka bixinayaan ka hortagga iyo xakamaynta faafidda Xanuunka COVID-19.

Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.

Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.”

Mudane Deni, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu qaadday tallaabooyin kala duwan oo looga hortagayo coronavirus, si uusan dalka ugu faafin.

PUNTLAND POST