Maamulka Gobolka Nugaal oo mamnuucay dhammaan isu-imaatinada dadweynaha

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir

Dadweynaha Gobolka Nugaal, gaar ahaanna caasimadda Garoowe, ayaa lagu amray in aysan guryahooda ka soo bixin, islamarkaana ay yareeyaan isu-socodka iyo dhaqdhaqaaqyada aan muhiimka ahayn, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus.

Maamulka Gobolka Nugaal, oo amarkan soo saaray ayaa sidoo kale mamnuucay in la qabto kulamo siyaasadeed iyo dhammaan isu-imaatinnada dadweynaha oo ay ku jiraan xafladaha Aroosyada, Garoomada Ciyaaraha iyo Shaneemooyinka laga daawado filimaanta.

Qoraalkan oo Sabtida maanta ah ka soo baxay Maamulka Gobolka Nugaal, ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in ay sii xirnaadaan dhammaan Goobaha Waxbarashada oo ay horay u fasaxday wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Maamulka Gobolka Nugaal, wuxuu dhanka kale ku hanjabay in tallaabo ganaax iyo ciqaab ah la marsiin doono, cid kasta oo u hoggaansami wayda go’aankii lagu mamnuucay keenista iyo cunista Jaadka, si looga hortago cudurka COVID-19.

PUNTLAND POST