Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo is karantiilay

Gudoomiyaha ururka  Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaciyay in uu galay karan-tiil  ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalihiisa laga helay xanuunka Covid-19.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in hawlwadeenada kale ee xafiiskiisana ay karantiil is geliyeen si looga hortago Coronavirus.

Balse wax fahfaahin ah kama bixin shaqaalaha ka tirsan xafiiskiisa ee laga helay cudurka COVID-19 iyo sida uu ku qaaday xanuunka.

Cudurka oo bishii December kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku faafay 176 wadan oo caalamka ah.

Dalalka ku yaalla Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa dhamaantood shaaciyay kiisas la xariira xanuunkaas Coronovirus

PUNTLAND POST