Dowladda Soomaaliya oo la wareegaysa Iskuul ay gacanta ku hayaan guddi Masaari ah

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhowaan la wareegi doonto Iskuulka 15-ka May ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay hadda gacanta ku hayaan guddi Masaari ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ayaa lagu sheegay in Iskuulka 15-ka ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto 20-ka Bisha soo socota ee April 2020 isla markaana ay kala wareegeyso Guddiga Waxbarashada reer Masar.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa tilmaantay in Iskuulkaas laga dhigi doono Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Go’aankaas ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay dib uga laabatay taageeridda qaraarkii Masar ee Webiga Niil ee Shirkii Jaamacada Carabta oo Soomaaliya sheegtay in ay dhex-dhexaad ka noqotay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa isna sheegay in Amarka lagu xirayo dugsiga uu yahay mid lagu raaligalinaayo dowladda Itoobiya.

PUNTLAND POST