Puntland oo gebi ahaanba mamnuucday Qaadka si looga hortago Coronavirus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay in laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berriya oo ku beegan 28-Maarso 2020, ay xiran yihiin dhammaan Xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Qoraal maanta oo Jimce ah ka soo baxay, Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu sheegay in dhammaan la joojiyay isu-socodka Gaadiidka iyo Rakaabka ka imaanaya dhanka Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

Balse, sida lagu xusay Qoraalka, Ardayda Reer Puntland ee ka soo laabanaya dalka Ethiopia oo keliya, ayaa mudda saddex maalmood loo ogolyahay, in ay ka soo geli karaan xuduudka, kadib markii la hubiyo Aqoonsigooda Ardaynimo.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegay, in gebi ahaanba la joojiyay Qaadkii imaan jiray Puntland, laga bilaabo Lixda Makhribnim ee Sabtida berriya, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo mudadaas kadib Qaad soo gelisa Puntland.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar