Guddiga doorashooyinka dowladda Federaaalka Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha Booliiska

 Magaalada Muqdisho waxa  kulan ku yeeshay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xassan Maxamed Xijaar iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer Federaal Xaliimo yareey.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga ahdlay arrimaha doorashoyinka ee la filayo in ay dalka ka dhacaan marka la gaaro sanadka 2020/2021 iyo qaabka ciidanka booliisku ay uga qeyb qaadan karaan sugidda amniga doorashooyinka.

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahib Xaliimo Yarey ayaa Taliyaha ka xog wareysatay waxa ka dhaqangalay wadahadaladii hore ee la xiriiray doorashada iyo diyaar garoowga ay wadaan si doorasho amnigeeda la xaqiijiyay ay u dhacdo.

Taliyaha oo u mahadceliyay Guddomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa dhankiisa ballan qaaday in soo dadajin doonan hawlaha la xiriira Sugidda Amniga wakhtiga doorashada.

PUNTLAND POST