Darewal moota Bajaaj oo xalay lagu dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay Isgoys ku yaalla magaalada Muqdisho ku dilay Darawal mooto Bajaaj.

Dilka Darawalka Bajaajlaha ayaa yimid,kadib markii Askariga iyo iyo wadaha ay wada murmeen,waxaana askariga dilka geystey ay goobjoogayaal sheegeen in uu goobta ka baxsadey.

Qaar kamid ah Ehelada Bajaajlaha la diley iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa meydka goobta ka qaadey,iyaga oo geeyey Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Dhinaca kale qaar kamid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee Magaalada muqdisho oo ka careysan dilka Bajaajlaha ayaa xalay  in ka badan laba Saacadood ay wadada Maka Al-Mukarama ka dhigeen banaanbax ay ku dalbanayeen in la soo qabto Askariga dilka geysty.

PUNTLAND POST