Wasiir Cawad oo la kulmay James Swan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Cawad, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ee arrimaha Siyaasadda Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

waxa uu kala hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay Hawlaha dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalka siyaasadeed ee dhinacyada Soomaaliya, si loo gaaro horumar dhanka Nabadda ah iyo is-oggol ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka bilowga sanadka 2021.

PUNTLAND POST