Soomaaliya oo laga helay kiiskii labaad ee Coronavirus

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijisay in kiiskii labaad ee cudurka Coronavirus laga helay dalka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay aya shaacisay in kiiskaas labaad laga helay qof ka soo laabtay waddanka Talyaaniga oo kamid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay COVID-19.

Qofka cudurka laga helay ayaa sida Wasiirku xaqiijisay kamid ahaa dhalinyaradii saraakiisha ciidanka ahaa ee Tababarka loogu qaaday waddanka Talyaaniga balse dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Bukaankaas ayaa ka hor intaan cudurka laga helin la karantiilay isaga iyo saddex qof oo kale kadib markii ay todobaad ka hor ka soo laabteen dalka Talyaaniga.

PUNTLAND POST