Muxuu yahay xanuunka haya Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaare hore Nuur Cadde

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku xanuunsanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xaqiijiyey xanuunka Nuur Cadde.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay ij Ra’iisul Wasaarihii hore Nuur Cadde uu ku xanuunsanayo London, uuna khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa.

Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde uu ku dhacay caabuqa dunida silsilaya ee Coronavirus, kaas oo ay u nugul yihiin dadka waayeel ah.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaa Noofember 2007 ilaa Feebaraayo 2009.

Nuur Cadde ayaa hadda da’diisu tahay 82 sano jir, wuxuuna dhashay sanadkii 1938.

PUNTLAND POST