Madaxweynaha Galmudug oo la heshiiyey siyaasiyiin mucaaradsanaa

Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta meel ka baxsan magaalada Dhuusamareeb kulan qado ah kula qaatay siyaasiyiin reer Galmudug ah.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa siyaasiyiintan oo u badnaa kuwii mucaaradsanaa doorashadiisii kala hadlay sidii loo tayeyn lahaa Galmudug, loogana wada shaqeyn lahaa sidii maamulka cusub uga duwanaan lahaa kii afartii sanno ee hore shaqeynayay.

Siyaasiyiintii ka qeyb galay kulanka oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku amaanay kaalintiisa nabadoonimada, iyagoo balan-qaaday in ay kala shaqeynayaan nabadeynta maamulka iyo dhameynta madmadowyadii horay u jiray.

Sidoo kale waxaa dhawaan lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadda ku sagan Gaalkacyo, kaas oo diidanaa doorashadii Qoorqoor.

Horey waxaa siyaasaddii Galmudug uga baxay hoggaankii Ahlusunna oo saameyn weyn ku lahaa gobolada dhexe, kadib dagaal 24 saac ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor oo aan wali la caleemo-saarin, ayaa wada qorshe uu kaga gudbayo carqabadihii horey u curyaamiyey maamulka Galmudug.

PUNTLAND POST