Faahfaahinta dagaal maanta ka dhacay Daynuunaay

Ugu yaraan hal askari ayaa ku geeriyooday, ilaa lix kalena waa ku dhaawacmeen, iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18km dhanka bari ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay saaka hiirtii waaberi weerar xooggan ku ekeeyeen, saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.

Ilo’ wareedyo ku sugan Baydhabo, ayaa warbaahintu ka soo xigatay, in weerarka oo si gaadmo ah ku bilowday uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya halka lix kalena ku dhaawacantay, inkastoo aan la ogayn khasaaraha gaaray dhanka Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigaas, ayaa sida wararku sheegayaan markii dambe gurmad ciidan helay, taasi oo Al-shabaab ku khasabtay in ay dib ugu cararaan halkii ay weerarka ka soo qaadeen.

PUNTLAND POST