Jubaland oo amartay in masaajidda looga qunuudo Coronavirus

Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee dowlad goboleedka Jubaland, ayaa maanta oo Talaado ah soo saaray awaamiir ku saabsan ka hortagga faafidda COVID.19 oo ku socota dadweynaha Reer Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddigaas, ayaa lagu sheegay  in mudda laba todobaad ah la fasaxay dhammaan goobaha Waxbarashada degaannada Jubaland, islamarkaan la joojiyay dhammaan isu’ imaatinnada dadweynaha, si looga fogaado xaafidda xanuunkaas Coronavirus-ka.

Guddiga ayaa sidoo kale amray in la xiro musqulaha iyo goobaha lagu weesaysto ee masaajidda, laguna dadaalo ilaalinta nadaafadda masaajidda, mar kastana la furo daaqadaha masaajidda, si dadka tukanayaa u helaan hawo nadiif ah.

Sidoo kale,  guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee dowlad goboleedka Jubaland, ayaa imaamyada masaajidda ku amray in ay xilliyada salaadda ka qunuudaan (ilaahow naga badbaadi ku ducaystaan) xanuunka coronavirus.

Sid ku xusan War-saxaafadeedka guddiga, waxa kale oo dadweynaha lagu wargeliyay, in ay kor u qaadaan nadaafadda guud sida suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee la isu’gu yimaado, waxaana ganacsatada lagu amray in ay isticmaalaan jeermis dilayaasha Saabuunta, shaambada iyo wixii la hal-maala.

Guddiga ayaa sidoo kale amray in xarumo baaritaan caafimaad laga sameeyo bar-xuduudeed kasta iyo meelaha kale ee laga soo galo Jubalanda, sida garoomada diyaaradaha, dekedda Kismaayo iyo kantaroollada magaalooyinka.

Ugu dambeyntii, guddiga ayaa uga digay ganacsatada in aysan ka faa’idaysan xaaladda ka dhalatay cudurka, oo aysan qaaliyeyn maciishadda iyo agabyada kale ee aadka loogu baahanyahay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhan

PUNTLAND POST