Xildhibaannada iyo wasiirada Puntland ku metela dowladda Federaalka oo isku khilaafay mowqifka Shirkii Garoowe

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay Puntland kuna sugan magaalada Garoowe ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray wasiiro uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo shalay diiday qaar kamid ah qodoba Shirkii Wada-tashiga Garoowe.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ay markhaati ka yihiin in wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Garoowe ku sugan ay wax ka diyaariyeen war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Garoowe sidaas darteedna ay qalad u arkaan hadalka ka soo yeeray wasiiradaas.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa sheegay in wasiirada heer Federaal ay ka abaal-dhaceen hab-maamuuskii loogu sameeyay Shirkii Garoowe islamarkaana ay deel-qaaf u geysteen ergooyinkii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay Shirkaas.

Xildhibannada ayaa intaas raaciyay in wasiirada ka yimid Federaalka war-saxaafadeedka ay soo saareen looga soo yeeray xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho balse uusan ahayn wax iyaga maskaxdooda ka yimid.

Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaannada

PUNTLAND POST