Madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan oo ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo madaxwayne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa aqalka madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, Wefdi uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo looga warbixiyay Kulanka, ayaa lagu sheegay  in madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan, ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Waxay wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan  uu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhanwalba leh ee ay siiso  dowladda Puntland.

PUNTLAND POST