Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose

Taliska Ciidamada Maraykanka Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose taasi oo lala beegsaday Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 2/3/2020 ay laba duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Kuunya-Barroow ee gobolka SHbaeellada Hoose.

Taliska ayaa sheegay in Weerarkaas lagu dilay hal xubin oo ka tirsan Al-shabaab halka laba kalena lagu dhaawacay inkastoo aysan sharraxaad dheeriya ka bixin xubnaha la dilay magacyadooda iyo xilalka ay ka hayeen Al-shabaab midna.

AFRICOM ayaa sidoo kale xusay in aysan dad rayid ah wax ku noqon  duqeymaha ay ka fuliyeen degaanka Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose isla markaana uu sii wadi doono howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab si loo wiiqo awoodooda.

PUNTLAND POST