Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay Miisaaniyadda Galmudug

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye, ayaa xalay  casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug,waxaana Munaasabadda ay ahayd dardaaran mahad celin iyo bogaadin uu u jeediyay Golaha sharci dejinta Maamulka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in uu intii ay socotay munaasabadda madaxweynuhu goobta ku saxiixay miisaaniyadda Galmudug ee sanadka  2020 oo ay dhawaan Golaha Wasiirada iyo Wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug ay ansixiyeen.

Miisaaniyada sanadkan 2020 ee Maamulka Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) halka tii sanadkii hore aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%.

PUNTLAND POST