Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas ayaa Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor ku soo dhaweeyy wefdiga madaxweyne Lafta Gareen.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdi Casiis Lafta Gareen uu halkaasi kaga qeyb galayo xaflad lagu caleema-saarayo maamulka cusub ee degmadaasi Diinsoor.

PUNTLAND POST