Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkaas ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Afgooye islamarkaana ay ka jawaab celiyeen weerarkaas.
Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in xalay gudaha Degmada laga maqlayay dhawaqa rasaas ay Isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo malayshiyaadka Al-shabaab balse aan khasaaraha ka dhashay la ogayn.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Afgooye ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo malayshiyaadka Al-shabaab.
PUNTLAND POST