Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Shabeelada Hoose

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa sheegay in si wadajir ah duqeyn ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose halkaasna ay ku dileen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Duqeynta waxa ay dhacday degaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose gelinkii dambe ee Jimcaha waxaana dowladda Federaalka  iyo AFRICOM ay sheegteen in ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalka ka soo kala baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Howlgalada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay in aanu jirin waxyeelo gaartay dadka shacabka oo ay xaqiijiyeen.

Diyaaradaha Mareykanka ee aan Duulliyaha lahayn ayaa sannadihii u dambeeyay kordhiyay weerarada duqeynta ah ee ay ka geysanayaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee lagu beegsanayo Al-shabaab.

PUNTLAND POST