Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo gaaray dalka Suudaan

Wasiirka Arimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray magaalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Khartoum ku soo dhoweyey agaasimaha Wasaradda arrimaha debada ee Suudaan u qaabilsan IGAD danjire Cabaas Nuuradiin, danjiraha safaaradda Soomaaliya iyo dibomasiyiinta safaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu muddo saddex cisho ah ku sugnaado dalkaas isagoo ka qayb-gali doona shirar Kala duwan oo ka dhacaya wadanka Suudaan.

PUNTLAND POST