Ahlusunna oo si rasmiya ugu dhawaaqay in ay isu dhiibeen dowladda Soomaaliya

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan, oo ka tirsan Hoggaanka sare ee Ahlusunna, ayaa si rasmiya u shaaciyay in ay isu dhiibeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Hoggaamiyaha oo saaka warbaahinta la hadlay, kadib markii dowladda Federaalku uga adkaatay dagaalkii Dhuusamareeb, ayaa sheegay in ay hubkoodii iyo ciidankoodii ku wareejiyeen dowladda.

Sheikh Shaakir, ayaa sidoo kale sheegay, in Amniga Hoggaanka sare ee Ahlusunna lagu wareejiyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay ogolaadeen in mas’uuliyadda Galmudug oo dhan dowladdu la wareegto.

Isdhiibidda Hoggaanka Ahlusunna, ayaa ku soo beegmay kadib markii looga adkaaday dagaallo culus oo tan iyo Khamiistii halkaasi dhexmarayay malayshiyaadkooda iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.

Halkaan ka daawo hadalka Sheikh Shaakir

PUNTLAND POST