Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna oo ku dagaallamay Dhuusamareeb iyo Guriceel

Dagaallo u dhexeeya Ciidamada Ahlusunna iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka kala dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka kowaad oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in uu daba socday iska hor-imaad labada dhinac xalay ku dhexmaray halkaas waxaana dadka degaanka laga soo xigtay in rasaas iyo madaafiiic culus ay isu adeegsadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ee dagaaallamay.

Madaafiicda qaarkeed waxaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaceen xaafadaha ay deggan yihiin dadla Rayidka ah inkastoo aan khasaaraha ka dhashay xog sugan laga hayn. Sidoo kale waxaa jiraa khasaare kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka labaad oo ka dhacay magaalada Guriceel ayaa isna la sheegay in uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo Ahlusunna kadib markii labada dhinac ku dagaallameen saldhig ku yaalla Guriceel kaasi oo markii dambe ay gebi ahaanba la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka.

Goob-joogayaal ku sugan Guriceel ayaa warbaahintu ka soo xigatay in ay arkeen maydadka laba ruux oo mid shacab yahay kadib dagaalka ka dhacay saldhiga Guriceel.

Weli faahfaahino dheeriya lagama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaallada ka kala dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna.

PUNTLAND POST